ICRC cyber security incident

18 Janaayo 2022, Guddiga Caalamiga ee Laangeyrta Cas (ICRC) wuxuu ogaaday weerar internet oo lagu soo qaaday keydka macluumaadkooda halkaas oo jile weerar interneet oo daran lana garaneynin (qof ka baxsan Laanqeyrta Cas) uu soo galay saldhiga macluumaadka xiriirada Qoyska Dib u keydinta (RFL).

20 Janaayo 2022, Laanqeyrta Cas ee Australia waa la wargelieyey dhacdadaan.

Waxaan sii wadi doonaa inaan wixii cusub idinkula wadaagno boggeena islamarka macluumaad cusub la helo.

Haddii aad u baahan tahay taageero dheeraad ah, ama aad u baahan tahay turjumaan, fadlan la xiriir khadka taleefanka ee loogu talagalay ee 24/7 ah. 1800 860 442

Dadka dibeda ka soo wacaya, fadlan la xiriira +61 2 8077 2507

Wax ku saabsan shilkii amaanka internetka ee ICRC

Maxaa dhacay?

ICRC waxay ogaatay in keydiyayaasha haya macluumaadka shakhsiyeed ee in ka badan 500,000 qof oo ka helaya adeegyo Dhaqdhaqaaqyada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ay ku dhaceen weerarka amaanka internetka oo xoog badan. Laanqeyrta Cas ee Australia waxay isticmaashaa keydka macluumaadka RFL keen aiyo barnaamijyada la socodka heynta. Weli ma ogin in macluumaadka keydka ee ay gelisay Laanqeyrta Cas Australia in si khaas ah uu u saameeyey. Kooxaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas ayaa aduunka oo dhan ka isticmaala keyd macluumaadkan, si kastaba ha ahaatee macluumaadka lagu keydiyey keydmacluumaadkan wuxuu ka imanayaa kiis kasta oo aan ka shaqeynay, iyo dal kasta.

Macluumaadka aad siisay Laanqeyrta Cas ee Australia waxaa laga yaabaa in la geliyey keyd macluumaadkan. Kani waa nidaam heer gudaha ah oo lagu hubiyo in macluumaadkaas lagu hayo hal meel ah oo kaliya, waxaana ku wada hadli karnaa kuwa aan la shaqeyno ee dalalka kale markaan isku deyeyno raadinta dadka kala lumay.

Macluumaadkan waxaa laga yaabaa inay ku jiraan magacaaga, faahfaahinta xiriirkaaga, macluumaad ku saabsan xaaladaha qofka kaa maqan , iyo magacyada iyo faahfaahinta xiriirka wixii qaraabo ah ee aad noo sheegtay, ama macluumaad ku saabsan xaaladaha xarigaaga iyo waxyaalaha aad saluugsan tahay ee aan nala soo hadal qaaday. Waxaa ku jira dhammaan dukumiintiyada aad na siisay inta lagu jiray maareynta kiiskaaga, oo laga yaabo inay ku jiraan dukumiintiyada aqoonsiga, foomamka diiwaangelinta, Caddeynta shahaadaha Xiritaanka ee ICRC, Fariimaha Laanqeynta Cas (RCM) ee ay isdhaafsadeen xubnaha qoyska iyo sawirada.

Waxaan xaqiijineynaa in hadda aysan jirin wax tilmaamaya in macluumaadkaaga shakhsiyeed la tirtiray ama la waxyeeleeyey. Waxaa taas sii dheer in, maanan ogaan wax caddeyn ah in si khaldan loo isticmaalay ama lala wadaagay macluumaadkan dadweynaha. Tani waxaa lagu hayaa dib u eegis aad u dhow, waan kuu soo sheegi doonaa haddii wax iska bedelaan.

Maxaa la sameeyey si looga jawaabo dhacdadaan?

Isla markii ay ICRC ay dhacdadaan ka war heshay, waxay ka saartay keydadka wax ka baxeen interneetka. Tan micnaheedu waxaa weeye inaan hadda awoodno inaan heli karno macluumaadka kiis kasta ama aan ka shaqeyn karno kiisas kasta.

ICRC waxay hadda ku jirtaa nidaamkii ay ku ogaan lahayd xalka wakhtiga gaaban si ay u awoodaan kooxaha Laanqeynta Cas iyo Bisha Cas aduunka oo dhan inay sii wadaan bixinta adeegyada bani’aadanimo dadka ay saameysay dhacdadaani.

Si gaar ah, Laanqeyrta Cusub ee Australia waxay sameynaysaa dib u eegis madax bannaan adeegyadeena iyo nidaamyadeena si aan u hubino inay yihiin kuwo amaan ah.

Anagoo wada jirna, waxaan ka wada shaqeynaynaa macaamiisha laga yaabo inay saameysay iyo in nidaamyadaan hore loo sii xoojiyo si looga hortago inay dhacdo dhacdo la mid ahi.

Waa maxay sababtaan idiinla soo xiriireyno?

Waxaan kuula soo xiriiraynaa sababtoo ah waan kaala shaqeynay mid ama wax ka badan oo ah adeegyadaan soo socda:

  • Raadinta xubin qoyska ah oo la waayey dagaal awgeed, masiibo ama socdaal.
  • U dirida fariimo qaraabada meeshii aysan jirin si kale oo loo wada xiriiro.
  • Jeegareynta samafalka qaraabo dibeda jirta oo aadan awoodin inaad gaadho.
  • Ka codsiga dukumiinti qof shakhsi ah.
  • La socodka xaaladaha adeegyada tasiilaadka laanta socdaalka.

Dhacda awgeed, qaar ka mid ah macluumaadka aad adigu bixisay ama dadka kale ee aad jeceshay intii lagu jiray nidaamkan ayaa waxaa laga yaabaa inay saameeyey tani oo ayan ka warqabin.

Waa maxay keydka macluumaadka ee RFL?

Keydka macluumaadka RFL waxaa isticmaala Laanqeyrta Cas iyo Laanqeyrta Cas ee kale iyo Bulshooyinka Qaranka Bisha Cas ee aduunka oo dhan inay:

  • ka caawiyaan helida dadka la la’yahay.
  • La wadaagaan oo ay keydiyaan macluumaadka ku saabsan kiisaska RFL, oo ay ku jiraan fariimaha aad isweydaarsateen qaraabada dal kale.
  • Diiwaangeli arimaha bani’aadanimo ee ay nala soo qaaday dadka ku jira xabsiyada laanta socdaalka.
  • Keydi wada hadalka dadka ku jirta xabsiga laanta socdaalka.
  • Diiwaanka macluumaadka ee ku saabsan usii gudbinta aan sameynay sida la xiriirta taageeradaada iyo ta qoyskaaga ( ee lagaala hadlay adiga ).

Keydka macluumaadka RFL waxaa lagu hayaa Geneva oo maareyso ICRC.

Waa maxay sababta ICRC u heyso macluumaadkaaga khakhsiyeed?

Dib u soo celinta Xiriirada Qoyska (RFL) waa adeeg caalami ah oo laga bixiyo dalal ku yaal aduunka oo dhan. Bulshooyinka Bisha cas iyo Laanqeyrta Cas, oo ay ku jiraan Laanqeyrta Cas ee Australia, waxay isticmaalaan nidaam online ah oo ay ku keydiyaan macluumaadka ku saabsan kiisaska RFL. Tan waxaan u sameynaa si macluumaadka loogu keydiyo hal meel ah, oo aan ula xiriiri karno dadka aan kala shaqeyno Laangeyraha Cas ee dalalka kale markaan isku deyeyno inaan raadino qof la waayey.

Waxaan sidoo kale isticmaalnaa nidaamkan markaan taageerayno dadka ku jira xabsiga laanta socdaalka.

Waa maxay macluumaadkaaga shakhsiyeed ee wax soo gaareen?

Keydiyayaasha ICRC ee haya keydka macluumaadka RFL iyo nidaamyada la xiriira waa la wadaagay. Kuwa soo weeraray waxay ku dhex jireen nidaamka waxayna awood u lahaayeen inay nuqul ka qaataan oo ay la baxaan macluumaadka. Weli ma ogin in macluumaadka ay gelisay Laanqeyrta Cas ee Australia keydka macluumaadka RFL ee khaaska ah in wax soo gaareen. Macluumaadka laga yaabo in wax soo gaareen waxaa ku jira diwaanka iyo akhbaarta lays dhaafsado ee kiiskaaga ku saabsan, oo ay ku jiraan faahfaahinta xiriirka dadkaad jeceshahay haddii tani ay khuseysay kiiskaaga. Intaan ognahay macluumaadka lama daabicin ama lama iibinin ilaa hadda, si aad u dhowna tan ayaan ula soconaynaa.

Waa maxay tallaabooyinka ka hortaga ah ee aad qaadi kartid si aad u ilaalisid macluumaadkaaga shakhsiyeed iyo nafsadaadaba?

Meesha qolo saddexaad ay macluumaadka xiriirkaaga hayaan, waa muhiim inaad:

  • Bedela afgarashooyinka – bedel afgaashooyinkaaga oline ka ah haddii aadan haddaba sidaa sameyn. Haddii aad u dirtay afgarashooyin akowno kale nafsad ahaantaadu oo email ah, kuwan bedel sidoo kale. Xarunta amaanka interneetka Australia oo bixisa hogaaminta sameynta afgarashada wanaagsan.
  • Ka taxadar – haddii aad ka shakisan tahay cinwaanka web ka , la xiriir adeeg bixiyahaaga si aad u hubisid inaad gelaysid bogga saxda ah. Ha bixin faahfaahinta aad ku gashid.
  • Ilaaliyayaal dheeraad ah samee – samee xaqiijin qodoba badan ka kooban akownadaada online ka ah meeshii suurtagal ah ooh ubi inaad heysatid aalada anti- fayras cusub oo ku rakiban qalab kasta oo aad u isticmaashid inaad gasho akownada online ka ah.
  • Jeegaree xiriirada – ogow waxa la yiraahdo ‘ helida Macluumaadka Uniform ka’ ama ÚRL’ markii webpage ku weydiinaya waxaad ku gashid. Ee ku qoran barta cinwaanka ee barowsarka bogga oo badanaa ka bilowda ‘https://’
  • Taleefankaaga gacanta – ka digtoonow taleefanka gacanta cida bixisa oo tilmaameysa in taleefankaagu uusan ku xirneyd netwaaga meeshii ay tani tahay waxaan caadi ahayn, ama umaadan sheegin cidda leh netwaaga taleefankaaga si ay joojiyaan adeega. Meeshii ay tani dhacdo, waxaan ku talineynaa inaad wargelisid ciddii bixisa taleefanka gacanta arintan isla markiiba.
  • Dib u eeg hogaanka Scamwatch – waxa laga yaabaa inaad dib u eegtid Golaha Macmiilka iyo Tababarka Australia hogaanka Scamwatch oo iska ilaalinaya nafsadaada scams.

Wixii hogaamin dheeraad ah oo ku saabsan ilaalinta aqoonsigaaga, waxaa laga yaabaa inaad booqatid bogga hogaaminta Xarunta Amaanka Interneetka Australia (Australian Cyber Security Centre’s guidance page)

Waxaan weli mareynaa nidaam taxadar leh oo lagu fahmayo heerka buuxa ee dhacdada iyo sida macaamiisheenu lagu saameeyey. Waxaa naga go’an inaan ku siino wixii cusub ee dheeraad ah isla marka macluumaadka khuseeya uu soo baxo, oo ay ku jirto bixinta talada cusub ee tallaabooyinka ka hortaga ah ee aad qaadi kartid.

Haddii culeys ku heysto, waxaan ku talinaynaa inaad raadsato tallada caafimaadka ee xirfadlaha caafimaadka diiwaangelinta ee aad taqaan oo aad ku kalsoonaataan.

Xaggee baad ka heli kartaan macluumaad dheeraad ah?

Taageerada dheeraadka ah waad heli kartaa adigu iyo kuwaad jeceshahay, si lagaaga caawiyo ka hadlida wixii su’aalo ah ama waxaad ka saluugsan tahay ogeysiiskan iyo dhacdaadan. Kuwan waxaa ku jira:

Laanqeyrta Bisha Cas

Waxaad wici kartaa khadkeena degdega ah adoo isticmaalaya lambarada taleefanka ee kor ku qoran.

Fadlan sidoo kale jeegaree boggaan website ka wixii cusbooneysiin ah maalmaha soo socda

IDCARE

Haddii aad saluugsan tahay wax ku saabsan si khalad ah u isticmaalida macluumaadka shakhsiyeed, waxaan sameynay taageero bilaash ah oo ka socota IDCARE, aqoonsiga qaranka Australia, iyo adeega taageerada bulshada cybersecurity.

Fadlan la hawlgal Maareeyaa Kiiska IDCARE ee Foomka Webka Caawimaada ee Hel Caawimaad ee IDCARE haddii aad leedahay saluuga amaan oo balaaran.

Bedel ahaan, waxaa laga yaabaa inaad booqatid Xarunta Waxbarashada IDCARE wixii macluumaad dheeraad ah iyo ilaha macluumaadka ee ilaalinaya macluumaadka shakhsiyeed. Adeegyada IDCARE waxaa laga yaabaa in laga helo adoo bixinaya code ka sii gudbinta RCA-ID22 markaad buuxineysid “Caawimaad Hel” Foom ka Web ama wacaya: 1800 595 160

Xirfadlahaaga daryeelka caafimaadkaaga

Haddii ay ku heysato culeys, waxaan ku talineynaa inaad tallo ka raadsato xirfadlaha caafimaadka diiwaangashan oo aad taqaan kuna kalsoon tahay. Markaad heshid xirfadlahaaga caafimaadka ee guud, waxay qiimeyn doonaan caawimaadaad u baahan tahay.

Fadlan tixraac iimeylkaaga wixii macluumaad dheeraad ah ee sida ururadani ay ku taageeri karaan adiga iyo kuwaad jeceshahay.

Charity donations of $2 or more to Australian Red Cross may be tax deductible in Australia. Site protected by Google Invisible reCAPTCHA. © Australian Red Cross 2024. ABN 50 169 561 394